Du kan byta språk på enkäten i det övre högra hörnet. Om du inte hittar ett språk som du kan uttrycka dig på får du gärna delta i en intervju med tolk. Maila i sådana fall embarc@du.se
You can change the language of this questionnaire in the upper right corner. If you cannot find a language you can express yourself in, you are welcome to participate in an interview with an interpreter. In that case, please email embarc@du.se
يمكنك تغيير لغة الاستبيان في اعلى الجهة اليمنى
إذا لم تجد اللغة المناسبة لك، يمكنك المشاركة في المقابلة مع مترجم . في هذه الحالة يرجى إرسال بريد إلكتروني الى
embarc@du.se
Luqada waad ka badali kartaa sahanka xagga sare ee dhinaca midigta ah. Haddii aadan heleyn luqada kale ee aad dareemahaaga ku cabiri karto, waad nala soo xiriiri kartaa si aan wareysi kula yeelano. Adigoo nagala soo xiriirayo embarc@du.se
Warbixin ku saabsan cilmibaarista
Waxaan ku weydiineynaa inaad ka qeyb gasho cilmibaaristan. Waxaad halkaan ka aqrisan kartaa warbixin ku saabsan cilmibaarista iyo ka qeyb qaadashadeeda.
Keliya waxaan uruurineynaa jawaabahaaga, marnaba ma keydineyno cinwaankaaga IP-ga. Dhamaan jawaabaha waa qarsoodi, markaan falanqeyneynana uma soo bandhigi doono si shaqsi ah. Cid kale oo ka baxsan cilmibaarayaashana uma fasaxna ineey arkaan jawaabaha.
Waa maxay cilmibaaristaan, maxaadna uga qeyb qaadaneysaa?
Cilmibaarisyo laga sameeyay Iswiidhan, wadanka Ingiriiska iyo wadamo kale ayaa cadeeynaya in hooyada uurka leh, hooyada dhashay iyo caruurta markaa dhashay, kana soo jeedaa dadka laga tirada badan yahay ay caafimaadkooda ka liitaan dadka wadanka u dhashay. Sidaas darteed ayeey muhiim tahay in la uruuriyo sheekooyinka ku saabsan takoorka ay kala kulmeen daryeelka hooyada iyo dhalaanka, si loo muujiyo, waxyaabaha qarsoon oo ku dhici kara iyadoo ula kac ama ula kac ahayn, oona keenaya in caafimaadkoodii ama daryeelka caafimaadka uu liito. Ula jeedadana waa in aan isticmaalno sheekooyinkaa si wax looga qabto daryeelka caafimaadka.
Sababta aan kuu weydiineyno ka qeybgalkaaga ayaa ah inaad la kulantay takoornimo ama cunsurinimo la xiriira qowmiyadaada, jinsiyadaada ama midabkaagaba, ee kaaga timid daryeelka hooyada iyo dhalaanka (mödra- och/eller förlossningsvården). Si aad ugu qeyb gasho waa inaad ahaataa ugu yaraan 18 jir, in laguu geystay takoornimo ama cunsurinimo, ama aad marqaati ka ahayd (aragtay) markii qofkii qaraabadaada loo geystay takoornimo ama cunsurinimo, kagana timid daryeelka hooyada iyo dhalaanka ee wadankaan Iswiidhan 10 kii sano ee ugu dambeeyay.
Cilmibaaristaan waxaa ka madax ah (mas’uul ah) ah Jaamacada Dalarna. Madax ka ah waxaa loola jeedaa in ay jaamacada mas’uul ka tahay mashruucaan cilmibaarista ah. Cilmibaaristaan waxay aqbalaad ka haysataa Maamulka u xilsaaran cilmibaarisyada iyo anshaxa loo sameeynayo, nambarka ogolaanshaha waa 2024-03228-01.
Sidee daraasadaan loo sameeynayaa?
Daraasadaan waxeey ka kooban tahay sahan online lagu sameeynayo. Waana su’aalo furan, kuna saabsan adiga kala kulmay takoornimo ama marqaati ka ahaa markii lamaanahaaga loo geystay cunsurinimo iyo takoornimo ka timid daryeelka hooyada iyo dhalaanka ee Iswiidhan.
Maxaa loola jeedaa cunsurinimada
Cunsurinimada mararka qaarkii waxeey noqon kartaa mid aan la fahmi karin ama qarsoodi ah, oo ay adag tahay in la cadeeyo. Laga yaabee inaad gadaal ka fahamto ama aad dareento in laguu geystay cunsurinimo ama lamaanahaaga loo geystay, laakiin aadan si hubaal ah u garan karin. Haddaba waxaan jecel nahay dhacdooyinkaa oo kale inaad nala wadaagto.
Xagga hoose waxaan ku qoreynaa tusaalooyin ku saabsan cunsurinimo lagala kulmay xarunta dhalmada iyo daryeelka hooyada iyo dhalaanka. Iyadoo tusaalooyinka ay ka yimaadeen cilmibaarisyo horay loo sameeyay (Davis, 2019, 2020):
-
- Bahda daryeelka caafimaadka waxay hoos u dhigeen, buunbuuniyeen ama iska dhaga tireen calaamadaha qofka bukaanka uu leeyahay iyadoo keentay in qofkii bukaanka uu ka raagay daryeel caafimaad iyo daaweynba.
- Bahda daryeelka caafimaadka oo liiday, bahdilay ama ceebeeyay qofka bukaanka.
- Bahda daryeelka caafimaadka kameey caawinin xanuun joojin.
- Bahda daryeelka caafimaadka waxeey sameeyay daaweyn iyagoon ogolaansho weydiinin bukaanka, ama waxeey cabsi geliyeen qofkii bukaanka si uu go'aan degdeg u gaaro.
Falalkani aan kor ku xusnay (si toos ama si dadban) ayaa la yiraahdaa waxeey ku salaysan yihiin ama la xiriiraan wadanka uu bukaanka ka yimid, qomiyadiisa, dhaqankiisa, diintiisa ama midabka jirkiisa.
|
Su’aalahaan waxaad ka jawaabeysaa hal mar adigoo isticmaalaaya kombiyuutarkaaga ama taleefankaaga. Adigeey kugu xiran tahay ilaa mudada ay kugu qaadaneyso ka jawaabista. Su’aalaha waxeey ka kooban yihiin:
- Kulanka daryeelka caafimaadka
- Qibradaada adiga ama lamaanahaaga ee ka timid takoornimo ama cunsurinimo laguu geystay/loo geystay, takoornimadaas oo ku salaysan qowmiyad, jinsiyad ama midabka
- Sidaad jeclaan lahayd in ay noqoto mustaqbalka daryeelka hooyada iyo dhalaanka, ama sidee lagu gaari karo
Cawaaqibta iyo khatar ka qeyb galida daraasadaada
Su’aalaha sahanka markaad ka jawaabeyso waxaad u baahan tahay inaad ku fikirto waxyaabihii horay kugu dhacay, dadka qaarkiina waxaa dhici karta ineey dareemaan walaac. Ka qeyb galkaaga xur ayaad u tahay, markaad doonto ayaad joojin kartaa. Haddii aad dareento walaac ama aad caawimaad uga baahan tahay caafimaadkaaga maanka, lasoo xiriir mas’uulka daraasadaan si ay kaaga caawiso inaad daryeel hesho.
Sidee loo isticmaalayaa xogteyda?
Macluumaadka keliya aan kaa uruurineyno waa jawaaabaha sahanka. Ma diiwaan gelineyno cinwaanka IP-ga (meeshaad kasoo geshay ma garan doono). Jawaabahaaga cidkale ma arkeyso oo aan ka ahayn cilmibaarayaasha. Jawaabaha dhan waa kuwa qarsoon mana la garan doono cidda ka jawaabtay, waxaana loo falanqeyn doonaa si jamaaci ah. Markaan soo bandhigeyno waxyaabaha kasoo baxay daraasada qof garan kara ma jirto inaad adiga ka jawaabtay. Mashruuca cilmibaarista markeey dhamaatana waa la keydinayaa sida u dagsan xeerka Jaamacada Dalarna.
Xogtaada waxaa ka mas’uul ah Jaamacada Dalarna. Sida ku xusan Sharciga Ilaalinta Macluumaadka Midowga Yurub, waxaad xaq u leedahay inaad ogaan karto macluumaadka lagaa uruuriyay oo aad sixi karto haddii wax qalad ah ay ku jiraan iyadoon wax lacag ah lagaa qaadeyn. Waad weydiisan kartaa si aad u ogaato macluumaadkaaga iyo haddii lagaa masaxayo. Laakiin xuquuqda weey xadidan tahay haddii ay la xiriirto macluumaad looga baahan yahay cilmibaarista. Hadii aad dooneyso inaad ogaato warbixintaada lasoo xiriir maamulaha daraasada, Fatumo Osman (xagga hoos eeg meesha lagala xiriirayo). Ilaalinta xogta waxaad kala soo xiriiri kartaa dataskydd@du.se. Hadii aadan ku qanacsaneyn sida xogtaada loo isticmaalay u dir dacwad xafiiska Ilaalinta Xogta oo ah, maamulka kormeerka.
Sideen ku ogaanayaa macluumaadka kasoo baxay daraasada?
Xogta kasoo baxda daraasada waxaan kusoo qori doonaa joornaalo cilmiyeeysan. Waxaan kaloo kusoo bandhigi doonaa koonfarans, shirir tacliimeed, maqaalo ama muxaadarooyin. Marna lama muujin doono qofka ka jawaabay markaan maqaalada ku qorayno ama muxaadarooyinka ka aqrineyno. Xogta si aad ku hesho adigeey kugu xirant tahay. Hadaad dooneyso waxaad ka heli kartaa bogga mashruuca ama inaad la xiriirto maamulaha daraasada.
Ka qeybgalkaaga waad u madax banaan tahay
Ka qeyb galkaaga waad u madaxbanaan tahay, xiligaad doonto ayaadna joojin kartaa. Haddii aad doorbido inaad ka qeyb galin ama aad joojiso uma baanid inaad noo sheegto sababta aad u rabin inaad ka qeyb gasho. Mana saameyn doonto daryeelkaaga caafimaadka hadda ama mustaqbalkaba. Haddii aad dooneyso inaad joojiso ka qeybqaadashaadada la xiriir maamulaha daraasada (fiiri xagga hoose)
Maamulaha/mas’uulka daraasada
Fatumo Osman, Borofosoorad
Högskolan Dalarna, 791 88 Falun
E-post: fos@du.se
Cilmibaarayaasha kale
Elin Ternström, cilmibaare Jaamacada Dalarna
Maja Bodin, cilmibaare Jaamacada Uppsala
Sarah Hamed, cilmibaare Jaamacada King’s College, London
Stephani Hatch, Borofasoorad Jaamacada King’s College, London