Qibradaada ku saabsan cunsurinamada ee daryeelka hooyada iyo dhalaanka
Luqadda waxaad ka beddeli kartaa, xagga sare ee dhinaca midigta
Warbixin ku saabsan ka qeybgalayaasha
Waxaan jecel nahay inaan kugu martiqaadno inaad ka qaybgasho sahan online ah oo qayb ka
ah mashruuc cilmibaaris ee ku saabsan cunsurimada lagala kulmay xarunta caafimaadka ee drayeelka
hooyada iyo dhalaanka ee ee UK iyo Sweden (EMBARC). Mashruucaan cilmibaarista waxaa soo
qabanqaabiyay King's College London iyo Jaamacadda Dalarna ee dalka Iswiidan, waxaana maalgeliya
golaha cilmibaarista ee Iswiidhan. Dukumeentigani waxaad ka heleysaa macluumaadka ku saabsan
mashruuca iyo waxa ay ka dhigan tahay ka qaybqaadashada.
Kahor intaadan go'aansan inaad rabto inaad ka qayb qaadato, waxaa muhiim ah inaad fahanto sababta
cilmi-baarista loo sameeyay iyo waxa ka qaybqaadashadaadu ahaan doonto. Fadlan wakhti qaado si aad
u akhrido macluumaadka soo socda si taxadar leh, haddii aad rabtana dadka kale kala hadal. Fadlan
nagu soo celi haddii ay jiraan wax aan caddayn ama haddii aad rabto macluumaad dheeraad ah.
Ogow in ka qaybgalkaagu yahay ikhtiyaari, waxaad ka qeyb galeysaa kaliya haddii aad rabto.
Haddi aadan rabin inaad ka qeyb gasho wax caqabad ay kuu geysaneyso malaha.
Waa maxay ula jeedada cilmibaaristaan?
Cilmi baaris laga sameeyay Boqortooyada Midowday (UK) waxay sheegtay inay jiraan sinnaan la’aan ku saleysan jinsiga qofka qaasatan dumarka laga tiran badan yahay. Sidaa darteed waa muhiim in la kordhiyo aqoonta ku saabsan cunsuriyadda ee daryeelka hooyada iyo dhalaanka, iyo muujinta cunsurinimada qarsoon iyo midda aan laga warheyn, taasoo keenta ineey dumarkii helaan daryeel liita iyo caafimaad darro.
Ujeedada daraasadda ayaa ah in aqoontan looga faa'iidaysto horumarinta daryeelka hooyada iyo dhalaanka.
Maxaa laygu casumay?
Waxaa ku weydiineynaa ka qeyb galkaaga sababtoo ah waxaad la kulantay
takoor/cunsurinimo ku salaysan qowmiyadaada, jinsiyadaada, ee kaaga timid xarunta daryeelka caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka ee UK.
Si aad uga qaybgasho, waxaad u baahantahay in ay da'daadu u dhaxayso 18-59 jir, aad la kulantay takoorid/cunsurinimo, ama aad goob joog u eheed lamaanahaaga lagu takooray daryeelka hooyada iyo dhalaanka, 10-kii sano ee lasoo dhaafay ee wadanka UK.
Maxaa la i weydiinaayaa, haddii aan daraasada ka qeyb qaato?
Daraasadu waxay ka kooban tahay sahan online ah oo ay ku jiraan su'aalo furan oo ujeedadoodu tahay
dadka la kulmay cunsuriyadda ama marqaati ka ah lammaanahooda in lagula kacay cunsuriyad la xiriirta
daryeelka hooyada iyo dhalaanka ee wadanka UK.
Su'aalaha waxaad kaga jawaabi kartaa kombiyuutarkaaga ama taleefankaaga, jawaabista su’aalahana waxaad gelineysaa waqtiga aad doonto.
Waxaad ku jawaabi kartaa luqad kasta oo aad jeceshahay. Su'aaluhu waxay ku saabsan yihiin:
- La kulanka daryeelka caafimaadka
- Qibradaada takoornimada ama in lagula dhaqmay si kale maadama aad kasoo jeedo qowmiyad kale
- Aragtiyo ku saabsan sida mustaqbalka daryeelka hooyadu aad jeclaan leheed inuu noqdo iyo waxa loo baahan yahay si halkaas loo gaadho.
Maku qasbanahay inaan ka qeyb galo?
Maya. Gebi ahaanba adiga ayay kugu xiran tahay inaad go'aansato inaad ka qayb qaadanayso
iyo in kale.
Ka qaybqaadashada cilmibaaristu gabi ahaanba xur ayaad u tahay, wax saameyn ahna kuma yeelaneyso daryeelka caafimaadka oo aad mustaqbalka heli doonto.
Waxaad ka qeyb qaadaneysaa keliya waa haddii aad rabto, doorashadaada inaadan ka qeyb qaadanina saameyn kuguma sameeyneyso. Markaad akhrido xaashida macluumaadka, fadlan nala soo xidhiidh haddii aad wax su'aalo ah haysato oo kaa caawin doona inaad go'aan ka gaarto ka qaybqaadashada.
Xogta kasoo baxda sidee loo isticmaalayaa?
Xogta iyo natoojooyinka kasoo baxa daraasada waxaa loo daabici joornaalada sayniska. Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigi doonaa shirarka tacliinta, joornaalada sayniska ee caanka ah iyo muxaadarooyinka furan. Marnaba daraasada laguma muujin doono qofka aad tahay, haddii ay noqoto daabacaad ama bandhigyada aan sameeyno. Adiga ayay ku xiran tahay haddii aad rabto inaad hesho natiijada daraasadda, markaas waxaad ka soo dejisan kartaa maqaallada adigoo isticmaalaya shabakada mashruuca ama la xiriir cilmibaaraha hogaanka ah.
Waa maxay faa’iidada ku jirta ka qeyb qaadashada?
Ma jiraan faa'iidooyin toos ah oo ku jira ka qaybqaadashada daraasaddan. Si kastaba ha ahaatee, ka qeyb qaadashadaada waxay gacan ka geysan doontaa fahamka weyn ee cunsuriyada ee ka jira daryeelka caafimaadka iyo dhalaanka.
Tani waxay caawin doontaa siyaasadaha mustaqbalka iyo horumarinta adeegyada caafimaadka hooyada, kuwaas oo caawin doona bixiyayaasha daryeelka caafimaadka ee bulshada.
Waa maxay caqabada iiga imaan karta ka qeyb galka?
Ma jiraan khataro waaweyn oo ay daraasada kuu keeneyso. Si kastaba ha ahaatee, wareeysiga waxa uu keenayaa inaad ku fikirto qibradaada takoorka ah ee aad la kulantay, kuwaas oo dadka qaar ay u arki karaan walaac ama xusuusyo aan fiicnayn. Adiga ayay ku xiran tahay inaad go'aansato inaad nala wadaagto inta aad jeceshahay. Wax kasta oo aad sheegto waxaa loola dhaqmayaa si qarsoodi ah. Waxaad dooran kartaa inaadan ka jawaabin su'aalaha qaarkood ama aad joojiso gabi ahaanba ka qeyb qaadashada. waxaa kale oo aad kala noqon kartaa macluumaad kasta oo aad hore u bixisay.
Haddii ka qaybqaadashadaadu ay kusoo xusuusiso falcelino kaa dhigi kara inaad u baahato taageero dheeraad, waxaanu ku caawin karnaa inaanu ku hagno halka taageeradan laga heli karo.
Mala damaanad qaadayaa qarsoodideeyda?
Dhammaan macluumaadka shakhsiyeed ee adiga kugu saabsan waxaa loo tixgaliyaa si adag. Kaliya cilmibaaraha waydiinaya su'aalahan iyo xubnaha kooxda cilmibaarista ayaa awoodi doona inay raad raacaan macluumaadka aad na siisay faahfaahintaada shakhsi ahaaneed. Xogta kaliya ee aan kaa ururin doono waa jawaabaha sahanka. Ma keydsaneyno cinwaankaaga IP-ga Jawaabahaaga waxaa loola dhaqmi doonaa qaab ka hortagaya gelitaanka aan la ogolayn. Dhammaan jawaabaha waxaa loo xallin doonaa si qarsoodi ah waxaana lagu tabinayaa natiijada qaab kooxeed. Marka aan soo sheegno natiijooyinka, macluumaadka qofka shaqsiga lama ogaan karo. Dhammaadka mashruuca, xogta waa la tirtiri doonaa ama waa la kaydin doonaa si waafaqsan shuruucda Jaamacadda King's College ee xogta cilmi-baarista. Waxaan ku kaydin doonaa mid kasta oo ka mid ah macluumaadkaaga shakhsiyeed si ammaan ah kaydinta jaamacadaha. Kaliya kooxda cilmibaarista ayaa heli doona macluumaadkaaga shakhsiyeed. Tani waxay hubinaysaa in heerarka ku habboon ee amniga iyo sirta la dabaqay. Dhammaan macluumaadka la ururiyo waxaa loo maarayn si taxadar leh oo waafaqsan Xeerka Ilaalinta Xogta (2018), Siyaasadda Maareynta Xogta Cilmi-baarista ee Jaamacadda iyo Xeerka Ilaalinta Xogta Guud ee Yurub (GDPR).
Ka qaybgalka daraasadda gabi ahaanba waa ikhtiyaari. Haddii aad go'aansato inaad ka qaybgasho, waxaad weli xor u tahay inaad ka noqoto wakhti kasta iyo adoon sheegin sababta.
Si aad uga baxdo, fadlan la xidhiidh cilmibaaraha tafaasiiltiisu hoos ku qoran tahay.
Haddii aad rabto macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida xogtaada loogu habayn doono shuruudaha shuruucda ilaalinta xogta UK, fadlan booqo linkiga hoose (macluumaadkan waxa kale oo lagu
heli karaa qaab daabacan haddii la codsado).
https://www.kcl.ac.uk/research/support/research-ethics/kings-college-london-statement-on-use-of-personal-data-in-research
Warbixin dheeri ah
Haddii aad dareento in daraasaddu waxyeelo kuu geysatay, ama haddii aad jeclaan lahayd inaad nala soo xiriirto macluumaad dheeraad ah, ama aad hesho taageero dheeradd ah, fadlan kusoo dhawoow inaad nala soo xiriirto, fiiri macluumaadka hoos ku qoran.
Waxa kale oo aad booqan kartaa bogeena si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan mashruuca www.du.se/embarc.
Dr Sarah Hamed (Email: sarah.hamed@kcl.ac.uk).
Waad ku mahadsan tahay wakhtiga aad ku bixisay inaad akhrido dukumeentigan oo aad isku
deyday ka qaybgalka cilmibaaristan.
Professor Stephani L Hatch (Email: stephani.hatch@kcl.ac.uk)
Cilmibaarayaasha kale: Kooxda Iswiidhan:
Fatumo Osman, Associate professor. Dalarna University. Swede. Email:fos@du.se . Elin Ternström, Senior lecturer. Dalarna University. Email: ete@du.se. Maja Bodin, Associate senior lecturer. Uppsala University. Email: maja.bodin@nck.uu.se
Waad ku mahadsan tahay inaad xiiseyneysay daraasadda!